Madaxweynaha Puntland oo kulan is xogwareysi ah la qaatay xubnaha Wafdigiisa

Madaxweynaha Puntland oo  kulan is xogwareysi ah la qaatay xubnaha Wafdigiisa

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan is xogwareysi ah la qaatay xubnaha Wafdigiisa ah ee ku weheliya safarkiisa Muqdisho oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa kala warqaadasho iyo is xogwareysi, waxaana uu Madaxweynuhu warbixin ka siiyey Wafdiga kulamadii uu yeeshay oo dhammaantood ku saleysnaa aragtida Dowladda Puntland ee ah in ay dalka dhacdo doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda ku dhacda.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhegaystay Wafdiga iyo shaqooyinka dowliga ah ee ay qabteen, sida kulamadii qaar ka mid ah Wafdiga la yeesheen Wakiilada Beesha Caalamka oo looga hadlay arrimaha Puntland sida Nidaamka Diqmuraadiyadda, dib-u-habeynta Ciidamada, horumarinta hanaanka Maaliyadda, saameynta dhaqaale ee Covid19, arrimaha horumarineed ee Gobolada Sanaag, Sool iyo Ceyn iyo saameynta Ayuxu u geystay daaqa iyo beeraha.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com