Madaxweynaha Puntland oo Kulan la yeeshay Guddiga Arrimaha dhaqaalaha

Madaxweynaha Puntland oo Kulan la yeeshay Guddiga Arrimaha dhaqaalaha

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga arrimaha dhaqaalaha oo maalmahan ka shaqeynayey kasoo talabixinta sicirka sarifka lacagaha.

Guddiga ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda sicirka sarifka oo soo hagaagaya tan iyo markii ay dowladdu qaaday dhowr tallaabo oo wax looga qabanaayo cabashada la xiriirta sicirka sarifka.

Madaxweyne Deni ayaa maanta faray Bangiga Dowladda, Bangiyada gaarka loo leeyahay iyo shirkadaha xawaaladaha inay sameystaan qeyb sarifta lacagaha, iyadoo Hay’addaha dowladda ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dowladda si dhow ula soconayaan wadashaqeynta Bangiyada iyo sicirka sarifka lacagaha.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com