Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay xildhibaano ka tirsan Galmudug

Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay xildhibaano ka tirsan Galmudug

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash, ayaa xarunta Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo maalmahan ku sugnaa Puntland

Xildhibaanada Galmudug ayaa Puntland u yimi xaaladda maxaabiis Galmudug ah oo ku xiran xabsiga weyn ee Garoowe.

Waxa ay kulamada ay yeelanayaan intii ay joogeen ku weheliyay xildhibaano ka mid ah Golaha Wakiillada Puntland, gaar ahaan guddiyada ay isku shaqada yihiin.

Xildhibaanada ayaa ka codsaday Madaxweynaha Puntland in uu sii daayo maxaabiis ku xiran arimo ku saabsan burcadbadeednimo oo sanado badan ku xiran xabsi ku yaalla Garowe.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com