Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-119 October, 15, 2017, Taliye Xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Dawladda Puntland.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.
Markuu Arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.
Markuu Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.
Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedinta taliyaha ciidanka Madaxtooyada.
Wuxuu Xeeriyey:
Waxaa G/le Xasan Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay Taliye Xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Dawladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
COMMENTS