Madaxweynaha Puntland oo magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah.

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo digreeto Xeer Madaxweyne Lr-34 March, 26, 2017  kuna saabsan magcaabis wasiiru dawlaha Madaxtooyada ee xiriirka caalamiga ah, waxaana loo magcaabay xilkaasi Burhaan Cilmi Xirsi.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:-            Dastuurka dawladda Puntland

Markuu tixgeliyey:-     aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo.

Markuu la tashtay:- Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland

Waxuu Xeeriyey:

Waxaa Burhaan Cilmi Xasan loo magcaabay Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada ee xiriirka caalamiga ah.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, waana saxeexay  Madaxweynuhu,
Sidoo kale waxaa maanta 28 March 2017 lo dhaariyey xilkaasi Wasiiru dawlaha Madaxtooyada ee xiriirka caalamiga ah Burhaan Cilmi Xirsi, waxaana goobjoog ahaa munaasibada dhaarinta Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kadib markii loo dhaariyey Wasiiru Dawlaha Xilkaasi cusub kula dardaarmay inuu shaqadiisa si daacad ah u guto kana fogaado wax walba oo ku keeni kara in gaabis ku yimaado shaqada loo igmaday

”waxaad qaaday masuuliyad culus taas oo aad u qaaday dhammaan shacabka Puntland, waxaana lagaa rabaa inaad waajibaad kaaga siduu yahay u gudatid, adigoo ka fogaanaya wax walba oo shaqadada ku keenaya gaabis” ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.

–DHMMAAD—

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com