Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Global Health Alliance

Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Global Health Alliance

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay Magaalada Garowe ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Global Health Alliance ee ka dhisan Wadanka Maraykanka Gobolka Minnesota, Hay’addan ayaa waxaa ku mideysan dhakhaatiir Soomaali iyo Ajanabi isugu jirta.

Dhakhaatiirtan ayaa sanadkii labo mar u yimaada dalka in ay Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka kala shaqeeyaan horumarinta Caafimaadka, sida tababarada, qalabeynta iyo adeegga danbeysan caafimaadka oo markii ugu horeeyay Soomaaliya la keeno.

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Siciid Jaamac Qoorsheel iyo Mudane Shiikh Tawakal Ismaaciil oo ka socda Jaaliyadda Minnesota ee dalka Maraykanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com