Madaxweynaha Puntland oo Wasiirada Cusub Saaka Barlamaanka Horgeynaya

Madaxweynaha Puntland oo Wasiirada Cusub Saaka Barlamaanka Horgeynaya

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa saaka oo khamiis ah mudanayaasha barlamaanka dowladda Puntland, waxa uu horgeyn doonaa golaha cusub ee wasiirada dowladda Puntland si uu kalsoonida ugu waydiiyo.

Wasiiradaani oo ka kooban 53 xubnood ayaa waxa ay isugu jiraan wajiyo cusub, kuwa xafiisyadoodii loo daayey iyo sidoo kale shaqsiyaad isku shaandhayn lagu sameeeyey xilalkii ay bulshada Puntland u hayeen.

Shir gudoonka golaha Wakiilada ayaa hordhigaya golahan maanta xubnaha wasiiradda lasoo magacaabay, waxaana lafilayaa iin uu mid kastaa akhriyo Taariikh Nololeedkiisa (CV), ka dibna loo qaado codka kalsoonida.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com