Madaxweynaha Somaaliya oo Abaalmarin la gudoonsiyaay (dhegayso)

Madaxweynaha Somaaliya oo Abaalmarin la gudoonsiyaay (dhegayso)

Naadiga Caalamiga ee Islaamka oo ka tirsan Ururka OIC ayaa abaalmarinta sanadlaha ah ee hogaanka guddoonsiiyay sanadkan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Faramajo.

Madaxweyne Farmaajo oo lagu casuumay abaalmarinta ayaa u wakiishay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed oo guddoomay abaalmarinta qaaliga ah ee sanadkan hay’adu ugu talagashay Madaxweynaha Soomaaliya.

Danjire Ceydiid ayaa Radio daljir u sheegay in abaalmarinta ay tahay mid sanadle ah oo sanadkiiba la guddoonsiiyo Madaxda dalalka Islaamka, sanadkana ay Naadiga ugu talagashay Madaxweynaha .

Warbixintan Wariyaheena Muqdisho Cabdulqaadir Irshaad ayaa Warbixintan inoo diyaariyaay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com