Madaxweynaha Somalia oo u digay Madaxda Puntland iyo Gal-Mudug

Somalia, December 03, 2015-(Daljir)_ Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalka dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ee u dhexeeya maamullada Galmudug iyo Puntland.

“Waa nasiib darro in la xushmeyn waayo ballanqaadkii shaley ay madaxda Puntland iyo Galmudug ku galeen Gaalkacyo ee ahaa in dagaalka la joojiyo, nabaddana laga shaqeeyo. Waxaan maamullada iyo madaxda Puntland iyo Galmudug xusuusinayaa in uu dhammaadey waqtigii isla xisaabtan la’aanta, dhiigga shacabka ee daadanayana cawaaqibkeeda la dhadhamin doono’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horyaallaan hawlo badan oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho, isla markaana dagaal dambe oo sokeeye aan la aqbali karin in shacabka lagu mashquuliyo.

Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intaa ku darey in khilaaf kasta oo dhaca uu ku qurux badan yahay in wadahadal lagu xaliyo, Soomaaliyana ay ka gudubtey xilligii qoriga wax lagu xalin lahaa.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an mar walbana ay sii wadeysaa dadaalka ku aaddan in xasaradda ka taagan Gaalkacyo nabad lagu xaliyo. Waxaan mar kale farayaa madaxda Puntland iyo Galmudug inay si buuxda ula shaqeeyaan Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda ee hawlaha dhexdhexaadinta ku guda jira’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha ugu baaqey hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland, Cabdikariim Xuseen iyo Cabdiweli Maxamed Cali inay u hoggaansamaan, si buuxdana u fuliyaan heshiiski shaley lagu kala saxiixday Gaalkacyo.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com