Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay 413 Maxaabiis ah

Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay 413 Maxaabiis ah

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada Somaliland ku xiran.

Wareegtada jasoo baxday Madaxweynaha Somaliland ayaa u dhigneyd Sidan:-

Markaan Arkay: Qodobka 90aad Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/09/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2024-ka;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee summaddiisu tahay XIG/JSL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xiran, oo tiradoodu dhan tahay 413 (Afar Boqol, Saddex iyo Toban) maxbuus.

Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com