Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Somaliland, waxaana ay u qorneyd Wareegtada Madaxweynaha.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
MarkaanArkay: Dastuurka Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
Markaan Arkay: Muhiimadda Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolku u leeyahay Amniga iyo Dhismaha Dawladnimadda;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In Maxamed Khaliif Nuur Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Somaliland.
COMMENTS