Madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaliya oo ku kulmaya Asmara

Madaxweynayaasha Eritrea, Masar iyo Soomaliya oo ku kulmaya Asmara

Madaxweynaha Masar, Cabdelfatah Al Sisi, ayaa maanta ku wajahan magaalada Asmara ee dalka Eritrea, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki. Safarkan ayaa kusoo aadaya xilli Asmara ay haatan martigelineyso kulamo siyaasadeed oo heer sare ah, maadaama Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay gaaray Eritrea, uu halkaas ku sugan yahay.

Kulamadan ayaa isugu jira kuwo labada dhinac ah iyo kuwo saddex-geesood ah oo ay wada qaadan doonaan madaxda Soomaaliya, Masar, iyo Eritrea.

Sida laga soo xigtay afhayeenka Madaxweynaha Masar, booqashada Al Sisi waxay xoogga saari doontaa xoojinta xiriirka u dhexeeya Masar iyo Eritrea, iyada oo lagu saleynayo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo amniga.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee la filayo in labada hoggaamiye ay diiradda saaraan waa xaaladaha amniga ee gobolka, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada Geeska Afrika iyo amniga Badda Cas, oo muhiim u ah istaraatijiyadda labada dal.

Kulanka saddex-geesoodka ah ee ka furmaya Asmara ayaa noqonaya mid muhiim u ah isku-duubnida siyaasadeed ee saddexdan waddan, iyada oo Madaxweyne Isaias Afwerki uu martigelinayo labada madaxweyne ee Masar iyo Soomaaliya, kuwaas oo xiriir dhow la leh Eritrea. Saddexdan dal ayaa wadaaga dano istaraatijiyadeed oo ku saabsan ammaanka gobolka, waxaana kulankoodu imaanayaa waqti ay kor u kacayaan xiisadaha ka jira Geeska Afrika.

Horey, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa yeeshay kulan hor dhac ah oo diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha gobolka, gaar ahaan amniga iyo nabadgelyada, iyadoo ay jirto xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladaha Masar iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale dhibaatooyin kala duwan kala kulmaya Dowladda Itoobiya, taas oo si joogto ah ugu soo xadgudubtay qaranimada Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay taagan tahay arrinta biyo-mareenka Nile-ka u dhaxeysa Masar iyo Itoobiya, waana mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee la filayo in Masar ay diiradda saarto inta uu socdo kulanka.

Kulamada Asmara waxay noqon doonaan kuwo muhiim ah oo lagu go’aaminayo isbahaysiga istaraatijiyadeed ee gobolka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com