Madaxweyne Cosoble, “Waxaan Ka Fekeraynaa Inaan Bedelno Magaca Hir-shabeelle”

Madaxweyne Cosoble, “Waxaan Ka Fekeraynaa Inaan Bedelno Magaca Hir-shabeelle”

Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble  oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado qorshe ku aadan in gabi ahaanba la badalo Magaca Hir-shabeelle oo loo bixiyay Maamulkaas ka hor doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar sanadkii aynu soo dhaafnay.

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Osoble ayaa sheegay in magaca Hir-shabeelle uu yahay wax la bixiyay islamarkaana la badali karo hadii loo baahdo.

“Magaca Hir-shabeelle waa magac oo kaliyah waana la badali karaa, waxaad arkaysaa gabar la oran jirey isniino oo leylo baxsanaysa, run ahaantii magaca Hir-shabeelle macno weyn ma sameenayo, waxaad eegtaan maamulada kale ee dalka ka jira magacyadda loo bixiyay sida Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaliya,waxaa  noo furan in aan iska badalno magaca Hir-shabeelle, aan baxsano magacyo qiimo badan sida ay sameeyeen oo kale Puntland iyo Koonfur Galbeed Soomaliya, oo aan ka tagno Magaca Hiiraan iyo Shabeelle, oo la isku yiraahdo Hir-shabeelle,”, ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali Cali C/laahi osoble  .

Sidoo kale Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Cali Cali C/laahi osoble  ayaa sheegay In go’aanka Magac ka badalka Hir-shabeelle loo gudbin doono Baarlamaanka Hir-shabeelle si ay u meel mariyaan badalka magaca.

Maamulka Hir-shabeelle oo lagu dhisay Magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulkaas, ayaa magaca bixintiisa qilaaf dheer iyo isjiid waxaa lagu guuleystay in loo bixiyo Hir-shabeelle, oo macno ahaan ah Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com