Madaxweyne Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray degmada Garacad

Madaxweyne Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray degmada Garacad

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmad Garacad ee gobolka Mudug.

Wafdiga Madaxweyne Deni ayaa waxaa kamid ahaa maalgashadayaal Ajanabi iyo Soomaali ah oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Garoowe .

safarka madaxweynaha ayaa waxa uu salka ku hayaa sidii uu kormeer ugu soo sameyn lahaa dhismaha dekadda cusub ee Garacad oo heerkii ugu horreeyay ee dhismaha uu marayo meel gaba-gabo ah.

Madaxweynaha ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doona shacabka deegaankaasi ku sugan isagoona kala hadli doona horumarinta degmada.

waa safarkii ugu horeeyay ee uu madaxweynaha ku tago Garacad tan iyo markii loo doortay xilka madaxweyne ee Puntland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com