Madaxweyne Deni oo magacaabay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Amniga Puntland

Madaxweyne Deni oo magacaabay Wasiir kuxigeenka wasaaradda Amniga Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 ee 19-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland
Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Xasan Yuusuf Majabe loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com