Madaxweyne Farmaajo oo Dhuusa-mareeb lagu soo dhaweyaay (Sawiro)

Madaxweyne Farmaajo oo  Dhuusa-mareeb  lagu soo dhaweyaay (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda Galmudug.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa soo dhaweeyay Masuuliyiinta Maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), xubnaha labada Golle ee Galmudug iyo dadweyne fara badan oo Haween iyo caruur u badan.

Madaxweynaha oo safar dhulka ah ku tagay magaalada Cadaado ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ahaa Wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Dowladda Federaalka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweyntiisa ka mahadceliyay, wuxuuna sheegay shacabka Dhuusa-mareeb in ay yihiin kuwo jecel nabada iyo hormarka, isaga oo balan qaaday in Dowladda Federaalka ay si dhow ula shaqeyn doonto.

Magaalada Dhuusa-mareeb oo si aad ah loo diyaariyay ayaa Madaxweynaha lagu soo dhaweeyay, waxaana wadooyinka qaarkood iyo Madaxtooyada cusub ee Galmudug-ba lagu dhajiyay Calanka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com