Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay Addis Ababa (Sawiro)

Madaxweyne Farmaajo oo lagu soo dhaweeyay  Addis Ababa  (Sawiro)

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha ayaa  ka qayb galidoona Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo lagu falan qayn doono sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada qaxootiga iyo barakacaayasha Qaaradda Afrika iyo sidii gacan looga geysan lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka nololeed ee ku xeeran.

Madaxweynaha oo hadal-jeedin ku leh shirka ayaa waxa uu diiradda saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah, isaga oo soo bandhigi doona qorshaha dowladda ee ku aaddan arrintan.

Dowladda Soomaaliya ayaa kamid ah dowladihii qaybta weyn ka qaatay asaaskii Ururka Midowga Afrika si loo adkeeyo midnimada iyo iskaashiga waddamada iyo shucuubta Afrika, si wadajir ahna xal loogu raadiyo caqabadaha la soo gudboonaada dalalka Afrika.

Sawiro. 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com