Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda cusub.

Muqdisho, Feb 23 2017-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhow ku dhowaaqay ra’iisul wasaarihiisa cusub.

Mudane Madaxweyne Farmaajo waxa uu Ra’iisul wasaare u magacaabay mr magacaabo Xasan Cali Kheyre oo uu sheegay inuu yahay shaqsi wax badan ka qaban karo marxaladda dalka uu ku sugan yahay.

Farmaajo ayaa u rajeeyey shaqsigan inuu ilaahay u fududeeyo howsha culus ee hortaalla, una rajeeyey inuu layimaado daacadnimo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com