Madaxweyne Farmaajo oo xilka qaaday taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka

Madaxweyne Farmaajo oo xilka qaaday taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu maanta xil ka qaadis ku sameeyay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise.

“‪Xil ka qaadistan oo dhaqan galaysa maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka Febraayo 2020 ayaa timid keddib markii uu Madaxweynuhu garwaaqsaday baahida loo qabo in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed tayeyn iyo qaabeyn joogta ah” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Madaxtooyadda.

Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka ayaa la Magacaabay 10-kii Bishii October ee sanadkii 2019-ka.

Warar soo baxayay maalmihii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in uu khilaaf ka dhex jiro taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.‬

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com