Madaxweyne Gaas oo ka mid noqonaya Musharaxiinta 2019 ee doorashada Puntland

Madaxweyne Gaas oo ka mid noqonaya Musharaxiinta 2019 ee doorashada Puntland

Wararka ay helayso idaacada Daljir ayaa sheegaya in in Madaxweyne C/wali Gaas uu yahay Musharax madaxweyne 2019ka , in kastoo horay wararka suuqa kujiray ay sheegayeen in Madaxweynaha uusan isku soo sharaxin sanadkan doorashada.

Warar hoose oo ay Daljir ka heshay ilo ku dhaw madaxweynaha oo magacyadooda qariyay ayaa inoo sheegay in uu socdo ololaha uu madaxweyne Gaas uu isku soo sharaxayo .

Madaxweynaha ayaa la sheegay in ololihiisa doorasho  uu bilaabay bishii hore ee Oktoobar, kaa oo si hoose usocday ilaa iyo bishan Novenber .

Kooxdiisa uqaabilsan madaxweyne Gaas ololihiisa doorashada ayaa diyaariyay boorarkii Musharaxnimada oo uu ku dhagsan yahay sawirkiisa .

 

Arintan ayaa hadii ay soo shaac baxdo waxa uu madaxweyne Gaas uu ka mid noqon doonaa Musharaxiinta ugu tunka weyn doorashadan 2019ka , maadaama shan sanano ka hor Madaxweynihii isaga ka horeeyay C/raxmaan Faroole uu sidan oo kale isku soo taagay doorashada .

Daljir kala soco wixii ku soo kordha warkan .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com