Arbaco, May 20, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isagoo ku hadlaya magaca Golayaasha dawladda waxaa uu ka tacsiyeey geerida ku timi Guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee Gobolka Bari Marxuum Yuusuf Muumin Bide.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey marxuumka in janadiisa fardawsa uu ka waraabiyo samir iyo iimaan buuxana uu ka siiyo dhammaan eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka reer Puntland iyo Soomaali oo idil oo uu ka baxay .
Sigaar ah waxaa uu Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Gaas ugu tacsiyeeyey qoyskii uu kabaxay isagoona Alle uga baryey in qabriga uu u waasiciyo dambigiisana uu dhaafo.
Marxuum Yuusuf Muumin Bide ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey ku xanuusanayey magaalada Boosaaso, waxaase loo qaaday magaalada Qardho oo uu ku geeryooday Ilaahay ha unaxariiste.
COMMENTS