Madaxweyne Gaas oo Kormeeray xarumo Muhiim ah oo Gaalkacyo ku yaal

Khamiis, September 17, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17-9-2015 kormeeray suuqa xera dayax , wadooyinka qorsheynta magaalada ee u dhaxeeya taar city iyo kantaroolka oo ay shaqo ka socoto.

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa kormeeray suuqa xera dayax oo ay dawladdu dejisay dhammaan ganacsatadii ku ganacsan jirtay xarunta Bankigii hore ee Dawladda oo la baneeyey , waxaana loo dejiyey ganacsatadaasi qaab nidaamsan oo indhahaaga soo jiidanaya.

Ganacsatadii iyo shacabkii halkaasi ku sugnaa oo watay calanka Puntland iyo caleemo qoyan ayaa madaxweynaha u soo dhaweeyey si weyn , waxaana ay ku faraxasanaayeen in Dawladda halkaasi dejiso, isalamarkaana ganacsigoodu uusan hakad gelin.

Madaxweyne Gaas waxaa uu sidoo kale gudaha u galay suuqa xera dayax gaar ahaan qeybta qudaarta , halkaasina waxaa ku soo dhaweeyey haweenka iibiya qudaarta iyo weliba shacabkii ka ganacsanayey suuqaasi oo ah mid baaxad weyn.

Halkaas ayuu Madaxweynuhu socod dheer uga gudbay xarunta Madaxtooyada Dawladda Puntland ee magaalada Gaalkacyo, waxaana uu indha indheeyey bilowga dhismaha xaruntaasi oo si habsami leh u socda .

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxaa uu soo kormeeray wadooyinka qorsheynta magaalada ee u dhaxeeya taar city iyo kantaroolka oo ay shaqo ka socoto, islamarkaana ay ku sugan yihiin ingineerada wadooyinkaasi iyo shaqaalaha ka howlgalaya.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com