Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku magacaabay xeer Madaxweyne Lr 160, Oct 29 2018 Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Puntland.
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo.
Wuxuu Xeeriyey.
Waxaa G/Sare Xassan Cabdullaahi Maxamed loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
COMMENTS