Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Cali Gaas ayaa waxa uu magacaabay Taliyaha ciidamada xasilinta ee caasimada Puntland ee Garoowe .
Madaxweyne Gaas ayaa xilkan umagacaabay G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal.
Xilkan ayaa horay waxaa u hayay Gen Muxiyadiin Axmed Aw Muuse oo haatan ah Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Puntland.
Waa taliyihii labaad oo uu madaxweyne Gaas uu umagacaabo ciidamadan xasilinta ee Garoowe .
Wareegtada Madaxweynaha ayaa ku taariikhaysneed 11 bishan .
COMMENTS