Madaxweyne Geele oo ka hadlay Cudurka Caronavirus

Madaxweyne Geele oo ka hadlay Cudurka Caronavirus

Kadib kulan xasaasi ahaa oo uu Madaxeeynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle la qaatey Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa uu si kulul uga hadley Caabuqa Coronavirus oo dad qaba laga helay Gudaha dalkaas.

Madaxweyne Geelle waxaa uu sheegay in ilaa iyo hadda dalka Jabuuti laga helay laba qof oo qaba cudurkaas,kuwaas oo uu sheegay in xaaladooda caafimaad la baxnaaninayo,sidoo kalena Dowladda Jabuuti ay dadaal ugu jirto sidii ay uga hortegi laheyd faafida cudurkaas.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey Madaxweynaha Jabuuti inay sameeyeen dadaalo farabadan ayna qaateen go’aano ay kamid yihiin xakameynta Socodka,fasax ay geliyeen Shaqaalaha dowladda,hayeeshee uu sheegay in dadku aysan ku baraarug saneyn dhibaatada Caabuqa,isla markaana aysan hoggaansameyn Amarada kasoo baxa Dowladda ee lagu xakameynayo faafida Covid 19.

Dalal badan ayaa haatan la tacaalaya sida ay uga hortegi lahaayeen Cudurka dadka badan diley ee Coronavirus,kaas oo markiisii hore kasoo bilaawdey Wadanka Shiinaha.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com