Madaxweyne GUUDLAAWE oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkiisii Maaliyada

Madaxweyne GUUDLAAWE oo xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkiisii Maaliyada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda Hirshabeelle Cabdishakuur Maxamed Xasan isagoo si kumeel gaar ah xilka Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ugu Magacaabay Dr Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Cabdishakuur Maxamed Xasan ayaa hore u soo noqday Madaxweyne ku xigeen, waxana uu ahaa musharax madaxweyne ku xigeen xilligii doorashada dowlad goboleedka Hirshabelle.

Akhriso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com