Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo Wasiirka Howlaha Guud Soomaaliya oo si wadajir ah u daah furay mashaariic muhiim ah (Sawiro)

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyo Wasiirka Howlaha Guud Soomaaliya oo si wadajir ah u daah furay mashaariic muhiim ah (Sawiro)

Madaxwayne kuxigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo Wasiirka Hawlaha Guud, Dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa si wadajir ah u daahfuray diyaarinta daraasadda, Naqshadda dhismo iyo dikumintiga qandaraas bixinta ee Wadooyinka u dhexeeya Dhuusamareeb – Qarandi iyo Beledwayne – Gaalkacayo.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamed Soomaali ayaa sheegay in jidkani uu muhiim u yahay isu socodka bulshada iyo ganacsiga Soomaaliyeed, waxa uu sidoo kale u mahadceliyey Masuuliyiinta iyo Shacabka Galmudug.

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ahna kusimaha Madaxwaynaha Mudane Cali Daahir Ciid ayaa mashruucan ku tilmaamay mid muhiim u ah Galmudug iyo Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Waxa uuna ku amaanay Wasaaradda Hawlaha Guud ee Soomaaliya dedaalka ay waddo sidii dib loogu dhisi lahaa Waddooyinka isku xira gobolada Dalka iyo Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com