Arbaco, May 06, 2015 (Daljir) — Wafti balaaran oo uu hogaaminayo madaxweyne kuxigeenka kowaad ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbalabd Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayna kamid ahaayeen wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Cabdiqani Cabdi Jaamac ayaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Room ee wadanka Talyaniga.
Madaxda wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Talyaaniga ayaa ka qaybgalay soo dhoweynta madaxweyne kuxigeenka Jubbaland iyo waftigaan uu hogaaminayo, waxaana lafilayaa inay ka qaybgalaan shir dhowaan ka dhici doona wadankaasi.
By: Jaamac Abdurahman
FAALLOOYIN & FALCELIN