Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire oo geeriyooday

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Cabdisamad Cali Shire oo geeriyooday

Alle ha u Naxariistee waxaa saaka Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Maamulka Puntland Janeraal Cabdisamad Cali Shire, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Qoyskiisa.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Marxuumka ku xanuun sanayay Magaalada Hargeysa, balse dhawaan la keenay Magaalada Muqsisho ee Caasimadda Soomaaliya oo ugu dambeyn uu ku geeriyooday.

Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdisamad Cali Shire oo xilal kala duwan Puntland ka soo qabtay ayaa soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland xilligii Cabdiraxmaan Faroole ( 8 January 2009- 8 January 2014).

Mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin kala duwan oo kasoo jeeda degaannada Puntland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Maamulka Puntland Janeraal Cabdisamad Cali Shire.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com