Madaxweyne Laftagareen oo cafis u fidiyay 11 maxbuus oo ku xiran Baydhabo

Madaxweyne Laftagareen oo cafis u fidiyay 11 maxbuus oo ku xiran Baydhabo

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa cafis u fidiyey Maxaabiis ku xiran xabsiga degmada Baydhabo.

Wareegto ka soo baxday xafiiskiiska Madaxweynaha ayaa waxaa lagu cafiyay 11 maxbuus oo xirnaa Xibsiga dhexe ee degmada Baydhabo.

Sababta loo cafiyay maxaabiista ayaa lagu shegay inay tahay ka hortaga xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus, kaas oo Soomaaliya ugu dhinteen laba ruux oo midkood ahaa Xildhibaan ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.

Xeer-ilaalinta Gobolka Bay ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa la amray in ay xabsiga ka siidayso Maxaabiistaan oo horay loogu xukumay dambiyo kale duwan.


Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com