Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), oo muddo todobaadyo ah ku maqnaa magaalo madaxda kililka Oromada ee ADHAMA ayaa shalay ku soo laabtay magaalada Jigjiga.
Madaxweyne Mustafe ayaa ka warbixiyey in uu ka qaybgalay tabobar lagu baranayo hab hoggaaminta Xisbiga cusub ee Abiy Axmed ee EPP oo muddo dhowr todobaad ah ka socday magaalada ADHAMA.
Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in deegaanka Soomaalidu ku tallabsaday hormar, door lixaad lehna deegaanku kaga jiro hormarka ka socda guud ahaan dalka Itoobiya.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
Jigjiga
COMMENTS