Madaxweyne Xasan Sheekh: “Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma shaqeyn doonaan Haddii dal Afrikaan ah lagu xadgudbo”

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma shaqeyn doonaan Haddii dal Afrikaan ah lagu xadgudbo”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika ayaa xusay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya, fursadaha maalgashi iyo khayraadka dihan ee ceegaaga dalkeenna oo wax tar u leh gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga caalamka uu ku tiirsan yahay ixtiraamka sharciyadda iyo mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

“Iskaashiga Afrika iyo Talyaaniga ma noqon karo mid shaqeeya haddii dal Afrikaan ah uu ku xadgudbo xuduudaha dal kale, waxaana tusaale u ah isku dayga fashilmay ee faro-gelinta Itoobiya ku sameysay Madaxbannaanida dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay caqabadaha hortaagnaa dowladnimada Soomaaliya iyo dhabar adaygga ay ku wajahayaan dadka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xoreynta deegaannada ku jira gacanta alshabaab ay barbar socdaan qorsheyaal lagu adkeynayo dowladnimada, laguna xoojinayo iskaashiga iyo doorka Soomaaliya ee Gobolka, kuwaas oo ay ka mid yihiin; ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cunaqabateynta hubka iyo dhammeystirka deyn cafinta.

“Soomaaliya waxay ku faani kartaa khayraadka Alle ku mannaystay ee dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Kalluumeysiga, Tamarta, iyo booska istaraatiijiga ah, kuwaas oo ay wehelinyaan in ay yihiin dad fir fircoon, dhallinyaro u badan, kuna tilmaaman hammi iyo hal-abuur. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika waxa ay si weyn u dhiirri-gelisay aragtidayada ganacsi”.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com