Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyay geerida Madaxweynihii hore ee Soomaaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud shacabka Soomaaliyeed, geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa xusay doorkii taariikhiga ahaa ee Marxuumku kasoo qaatay u adeeggidda iyo horumarinta dalkiisa, gaar ahaan meertadiisii hoggaaminta Wasaaradaha Qorsheynta iyo Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ku suntanaa kaalintiisii lama ilaawaan ee furitaanka albaabka wada hadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

“Innaa lillaahi wa innaa ileyhi Raajicuun, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland, Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargaysa. Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu door weyn ka soo qaatay dowladnimada dalka, innaga oo ku xasuusanayna sida ay uga go’nayd dib usoo celinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo uu door lama ilaawaan ah kulahaa furitaanka wadahadallada DFS iyo Somaliland”.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com