Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay in la bilaabayo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay in la bilaabayo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Sooomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka ay maleegaan Al-Shabaab, isaga oo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xoreeyaan dalka.

“Muwaadinka Soomaaliyeed caawa gurigiisa in uu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu waddada marayo goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in aysan is dhihin baan rabnaa”
Madaxweynaha waxa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.

“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca Al-Shabaab la’isaga xorreynayo, kaddibna dadka kale ay ku daydaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ka sheegay munaasabad soo dhaweyn ah oo xalay Maamulka Galmudug u ugu qabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com