Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Shiinaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, Madaxtooyada Beijing.

Labada Madaxweyne ayaa waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer sareeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay siyaasadda Labada dal ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee Labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa xusay ballanqaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada. Sidoo kale Madaxweyne Xi ayaa ku dhawaaqay deeq dhan 200 milyan oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com