Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Dhiggiisa dalka Rwanda

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Dhiggiisa dalka Rwanda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Jamhuuriyadda Rwanda Mudane Paul Kagame .

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah iyaga adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga gobolka uu ka qaadan karo wax ka qabashada caqabadaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Paul Kagame ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey horumarka ay ka gaartay dhinacyada, amniga, diblomaasiyadda iyo dhaqaalaha, waxa uuna ballanqaaday in Rwanda ay taageeri doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka uu Madaxweyne Xasan sheikh la qaatay dhiggiisa dalka Rwanda ayaa ku soo aadata xilli uu dakaas uga qayb galay Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha RWanda Paul Kagame

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com