Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay guddoomiye ku xigeenka xisbiga Barwaaqo ee Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay guddoomiye ku xigeenka xisbiga Barwaaqo ee Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya , mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayao guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo ee Itoobiya mudane, Aadam Faarax iyo wasiiru dowlaha Arrimaha dibedda Mesganu Arega.

Wafdiga ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxaa si diirran u soo dhaweeyay Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, iyagoo ka wada hadlay arrimaha labada dal iyo tan gobolka.

Sidoo kale madaxda ayaa ka wada hadleen xoojin xiriirka udhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya gaar ahaan adkayn nabadda gobolka iyo iskaashiga ganacsi ee labada dal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com