Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir uga qeyb galaya dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir uga qeyb galaya dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku gaaray dalka Jabuuti ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaradaha Ambouli International Airport Madaxweynaha Jamhuuriydda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Jabuuti kaga qeyb galayo shir looga hadlayo Isbeddelka Cimilada iyo Abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu kaga hadlayo isedelka cimilada iyo dhibaatooyinka kale ee kajira dalka, sida la dagaalanka Al-Shabaab & Abaaraha uu ka jeedin doonaa Shirka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti waxa uu wada-hadallo ku qotoma iskaashiga labada dal ee dhanka amaanka iyo la dagaallanka Al-Shabaab la yeelanayaa dhiggiisa dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ahaa Madaxdii shalay ka qeyb gashay munaasabaddii xariga looga jarayay dekadda Magaalada Garacad ee Gobolka Muudg, kadib uu safar deg deg ah ku tegay dalka Jabuuti.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com