Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageero u raadinaya Golaha Wasiirada la magacaabayo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageero u raadinaya Golaha Wasiirada la magacaabayo

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaloya.

Kulamadan ayaa ujeedkooda ahaa sidii Xildhibaannada ugu qancin lahaa Madaxweynaha Golaha Wasiirada la soo magacaabayo iyo sidii ay u taageeri lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kulankii ugu dambeeyay ee Madaxweynaha la qaatay Xildhibaannada laga soo doorto Galmudug ay gebi ahaanba ka baaqsadeen qaar kamid ah Xildhibaannada laga soo doortay degaannada Maamulka Galmudug.

Waxaa sidoo kale la filayaa in saacadaha soo socda uu Madaxweynaha kulamo la qaato Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, isaga oo ka dalbanaya taageerida Xukuumadda cusub iyo sidii loo ansixin lahaa.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in Ra’iiul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre in uu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada, xilli muddo Afar Maalin ah ay uga harsan tahay mudadii ay Golaha Shacabka fursadda ugu siiyeen waqtiga uu soo Magacaabayo Golhiisa Wasiirada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com