Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Aqoonsaday 3 deegaan in ay noqdaan degmooyin buuxa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u Aqoonsaday 3 deegaan in ay noqdaan degmooyin buuxa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dikreeto ku soo saaray in Gubadleey, Daarusalaam iyo Garasbaaley loo aqoonsaday degmooyin buuxa oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Xildhibaan Cali Yusuf Cali – Xoosh, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo mas’uuliyiin ka tirsan heerarka dowladda federaalka ah, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo qaar kale ayaa ka qeyb-galay munaasabadda heerkeedu sareeyo oo lagu soo dhaweynayo degmooyinkan cusub, taas oo lagu qabtay Aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo ku sugnaa xarunta dowladda hoose ee xamar ayaa warbaahinta u akhriyey digreetada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Degaannada buuxiyay sharuudaha degmanimmo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com