Wararkii ugu danbeeyey ee ka soo baxaya shirka Wadatashiga Qaran ee Xamar ka socda ayaa sheegaya in ujeedada shirku yahay in lagu aasaaso xibsi uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Shiikh, diyaariyana dib-u-doorashada Madaxweynaha.
Martiqaad loo dhiibay ka qaybgalayaasha shirka ayaa lagu sheegay in magaca xisbigu yahay Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka, waxaana la filayaa in ay xubno ka noqdaan dhammaan maamulada iyo siyaasiyiinta ka soo qaybgalay shirka Wadatashiga Qaran
Maamulada ka soo qaybgalay shirka ayaa la filayaa in ay deegaanadooda ka qabtaan doorasho qof-iyo-cod ah oo dib loogu dooranayo Madaxweyne Xasan Shiikh.
> Daljir Media
COMMENTS