Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Badbaaday Qarax loogu Xiray Jidka

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka Badbaaday Qarax loogu Xiray Jidka

Qaraxyo aad u culus ayaa Madaxweynaha loogu xiray guri ku yaal jidka uu Madaxweynuhu u maro eeraboorka. Saddexda gaari ee aan xabbaddu karin ee Madaxweyne Xasan Shiikh isticmaalo mid kamid ah ayuu qaraxu haleelay. Weli lama hayo faahfaahin dadka wax ku noqday qaraxa, laakiin waxaa muuqda gaari nooca Land Cruiserka oo qaraxu burburiyey iyo gurigii iyo aaggii oo dhan oo basbeelay.

Madaxweynaha ayaa si nabad ah ku gaaray degaanka Aadan-Yabaal si uu u dhiirigaliyo ciidamada dagaalka adag kula jira al-Shabaab.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com