Madaxweyne Xasan Shiikh oo Shalay ka Tagey Cadale Maantana ka Degay Ankara: Muxuu daaranyahay safarka cusub ee Madaxweynuhu, maxaad se ka ogtahay hardanka cusub ee dalalka shisheeye iyo saameyntooda al-Shabaab?
Qormadaan kaga bogo siyaasadaha dalalka shisheeye ee is hardinaya ee Madaxweyne Xasan Shiikh madaxa la galay, iyo waliba waxa sababay in al-Shabaab ay carcar horleh la timaado, dhul horlehna qabsato.
Aan ku biloowno dagaalada Shabeelaha Dhexe. Aagga Shabeelaha Dhexe waxaa dhawaanahaan ka socday dagaalo joogto ah iyo arbushaado lagu khalkhalinayo ciidamada dawladda iyo Macawisleyda ayada oo hadba aag ay al-Shabaab weerar la beegsaneyso. Madaxweyne Xasan Shiikh oo tagay farumaha Cadale iyo Aadan Yabaal waa uu ku soo hungoobay oo madaxweynihii oo joogaa baa al-Shabaab waxa ay si fudud kula wareegtay Masaajid Cali Gaduud oo ah magaalo istaraatiji ah oo saadka loo mariyo difaaca Coosweyne. Taasi waxay keentay in Madaxweynaha helikobar lagula cararo oo uu shalayba Xamar ka dego.
Dhanka Shabeelaha Hoose iyo agagaara Xamar illaa Afgoowe arbushaadaha Al-Shabaab ayana waa socdaan illaa Awdheegle.
Villa Somalia waxaa soo wajahay fashil weyn oo dhanka la dagaalanka al-Shabaab, fashilka ayaa u eg mid dawladaha qaarkood ay qayb ka yihiin ayaga oo ka faa’iideysana fursadaha uu Madaxweyne Xasan Shiikh miiska u saaray. Fursadahaas waxaa kamid ah in madaxweynuhu uusan wax xiriir ah la lahayn maamulada dalka oo go’doon ku yahay Villa Somalia. Taladaas ayaa Madaxweynaha rag ka agdhow waxay ku eedeynayaan dalalka qaar, ayaga oo uga dan lahaa in ay siyaasadiisa fashiliyaan oo god ku tuuraan.
Sida xaal hadda yahay Turkigu waa saaxiibka ugu dhow ee Villa Somalia ayada oo wararka qaar sheegayaan in safaaradda Turkigu ay hadda toos qo’aamada Villa Somalia qaarkood u go’aamiso oo xataa Baarlamaanka ay awood weyn ku dhex yeelatay. Turkiga ayaa Soomaaliya la galay heshiis khayraadka Soomaaliya iyo illaalinta badaha Soomaaliya. Haddii si kale loo yiraahdo Turkiga oo saldhigiisa ugu weyn ee dal shisheeye ku leh Soomaaliya, lana wareegay ilo muhiim u ah dhaqaalaha koonfurta Soomaaliya, waxa ay dalalka shisheeye qaarkood u arkaan awood kaga dheeraysay Soomaaliya, una baahan in degdeg loo xakameeyo.
Awoodaha la tartamaya Turkiga waxaa ugu horreeya Mareykanka oo ay Imaaraadka isku xulufo yihiin. Waxaa ku xiga Qadar oo al-Shabaab isku xulufo yihiin. Ingiriiska ayaan isna ka marneyn oo qolo walba xulufo la ah, marnana aan rabin in meel cidlo ah looga tago. Sucuudiga ayaa asna waayahaan carcar horleh bilaababay, lana filayaa in uu la yimaado siyaasad cusub. Abiy Axmed iyo Itoobiya oo dawladahaas dhammaantood xulufo la yihiin waxaa hadda lagu tirinayaa in uu Soomaaliya ku fashilmay, Itoobiyana uusan ku sii raagi doonin. Sidaas darteed, taasi waxay khasabtay in dal walbaa goonidiisa u dhaqaaqo.
Sababta uu Madaxweyne Xasan Shiikh maanta uga degay Ankara ayaa wararka Daljir helaysaa ku sheegeen welwel horleh oo soo foodsaaray Erdogan, asaga oo u arka in la rabo in laga faramaroojiyo Xasan Shiikh iyo Soomaaliya. Turkiga ayaa la sheegayaa in uu u sheegi doono Xasan Shiikh in uusan qaadan talada Imaaraadka iyo Mareykanka oo uusan siyaasadiisa waxba ka badalin, ayna diyaar u yihiin in ay al-Shabaab ka difaacaan.
Mareykanka iyo Imaaraadka ayaa ayna Madaxweyne Xasan Shiikh u sheegay, sida aan wararka ku helayno, in uu labo kala doorto. In uu maamulada isugu yeero oo talada wax ka siiyo, ama in uu fiirsado al-Shabaab oo Xamar kala wareegta.
Mareykanka ayaa hore u joojijay taageradiisa ciidamada Danab, haddana Puntland ka kaalmeeya la dagaalanka ISIS, wararkii ugu danbeeyana waxay sheegayaan in dib-loo-furay xafiis uu Mareykanku ku lahaa Bossaso.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa hadda u eg Madaxweyne taladii hal mar ku soo ururtay, maalmaha soo socdana waxaa la ogaan doonaa go’aamada uu qaato oo la filayo in ay wax weyn ka badali doonto siyaasadda Soomaaliya, go’aan kasta oo uu qaataba.
Daljir isha ku hay oo kala soco siyaasadda cakiran ee Villa Somalia maanta wajahayso.
> Daljir Media
COMMENTS