Madaxweynihii hore ee Brazil oo wacad ku maray inuu Brazil ka xorayn doono waalida (Akhriso )

Madaxweynihii hore ee Brazil oo wacad ku maray inuu Brazil ka xorayn doono waalida (Akhriso )

Madaxweynihii hore ee dalka Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa laga siidaayay xabsiga isagoo wacad ku maray inuu “Brazil ka xorayn doono waalida.” Madaxweynaha haatan talada haya, Jaire Bolsonaro, ayaa isla markiba weeraray isaga oo magaciisa sheegin.

Da Silva, oo ahaa madaxweynaha Brazil intii u dhaxeysay sanadihii 2003dii ilaa 2010kii, wuxuu soo duubay muuqaal lagu faafiyay Baraha Bulshada isagoo sheegay inuu “dalkiisa ka xoreyn doono waalida ka socota “,wuxuuna intaas raaciyey inuu dareemayo firfircooni iyo dhalinyaronimo isagoo 74 jir ah.

Dad badan oo reer Brazil ah ayaa ka jawaabay codsi uu Da Silva kaga codsada banaanbax ka dhicidoona xarunta ururka shaqaalaha birta ee ku yaal bannaanka Sao Paulo.

Garsoorka ayaa amaray siideynta Da Silva Jimcihii, ka dib markii maxkamadda sare ay xukuntay in maxaabiista ku xiran kiisaska dambiyada la sii daayo.

Da Silva waxaa ku sugayay bannaanka xabsiga magaalada Curitiba, dadweyne aad u fara badan oo taageerayaashiisa ah kuwaas oo ku dhawaaqayay ereyo ay ku taageerayaan iyagoo xiran dhar casaan ah oo loo eekaysiiyey Calanka Xisbiga Shaqaalaha ee uu hogaamiyo.

Wuxuu wacad ku maray khudbadiisi ugu horeysay ee ka horjeediyey taageerayaashiisa in uu xaqiijin doono in aanu dambi lahayn sidoo kale waxa uu booliiska ku eedeeyay “musuqmaasuq”, Lula ayaa la xirey sanadkii hore ka dib markii lagu eedeeyey inuu laaluush ka qaatay shirkadaha dhismaha isagoo siiyay qandaraasyada dowladda, waxana sidaasi looga hor istaagay inuu u ka qeyb qaato tartarnkii madaxtinimada.

Madaxweynaha dalka Brazil Jaire Bolsonaro ayaa kusoo qoray bartiisa Twitter-ka, isagoo aan cidna magacaabin: “Ha siin rasaas mid liita kaas oo si ku meelgaar ah xor u ah laakiin khaladaad dhex dabaalanaya”.

Bolsonaro wuxuu ugu yeeray taageerayaashiisa in ay isugu soo baxaan garab istaaga siyaasada garabka midig ee dowlada, isagoo intaas raaciyay inaysan ogolaan doonin in la carqaldeeyo hanaan socodka soo kabashada Brazil.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com