Mahdi Guuleed “Cabdi Xaashi waa hoggaamiye mucaarad ah oo wiiqay awooddii sharci dejinta”

Mahdi Guuleed “Cabdi Xaashi waa hoggaamiye mucaarad ah oo wiiqay awooddii sharci dejinta”

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku tilmaamay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka inuu yahay Hoggaamiye mucaaradka dowladda, kaddib markii Guddoomiyaha ka soo horjeestay magacaabidii Guddiga doorashada Xildhibaannada Labada Aqal ee Gobolada Waqooyi.

Mahdi Guuleed oo wareysi siiyay Warbaahin lagu magacaabo Horufadhi Media TV ayaa sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu si is-daba joog u soo saarayay qoraalo mucaaradsan dowladda.

“Dhowrkii sano ee u dambeysa sida aad warbaahinta kala socoteen ama qoraalad ais daba joogga ee uu soos aaray waxa ay tusineysay in cabdi Xaashi yahay Hoggaamiye mucaarad, hoggaamiyaha mucaaradka dowladda, wuxuuna wiiqay awooddii sharci dejinta, waayo sharci dejinta waa Baarlamaan labo aqal ka kooban aqalka sare muddo ma aanay fariisan, qeyla dhaantooda waa ogeyd, hadda waxaa jira aqal sare oo aan muddo fariisan”ayuu yiri Mahdi Guuleed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com