Yemen oo Marakan u Goodineysa Mareykanka Sheegtayna in ay Markii Afraad Duqeysay Maraakiibta Mareykanka Fashiliseyna Weerar Kale oo lala Damacsanaa
Afhayeen u hadlay Yemen ayaa sheegay in “Ciidanka Xoogga Dalku ay la socdeen dhaqdhaqaaqyada ciidan ee cadawga ka wadaan Badda Cas, uguna diyaargaroobaya duullaan ballaaran oo dhanka cirka ah oo dalkeena lagu qaado.”
Afhayeenka ayaa ku sii daray, “Ciidamada Qalabka Sida ee Yemen ayaa si guuli ku dheehantahay ah u fashiliyay weerarka lala damacsanaa, kaddib markii aan fulinay howlgal militeri markii afraad 72 saacadood gudahood annaga oo beegsanay markabka diyaarad-qaadaha Mareykanka ee ‘USS Harry Truman’ iyo tiro kale oo maraakiibta dagaal oo cadawgu leeyahay, weerarkaasna wuxuu noo suurtagaliyey in aan fashilino weeraradii nalala damacsanaa.”
Jawaabaha weerarka ee Yemen ee ay beegsanayaan maraakiibta Mareykanka ayaa sababtay in ay ka fogaadaan aagga Yemen masaafo lagu qiyaasay kun mayl iyo ka badan, suurtagalisayna in weerarada Mareykanka la fashiliyo.
Weerarada cusub ee Yemen kuma eka maraakiibta Mareykanka ee waxaa kale oo ay maanta sheegtay in saldhigga Negev Air Base ee ciidamada cirka ee Is^raa’iil ku duqeysay gantaalka xawaaraha sare ee loo yaqaan ‘Palestine-2 Hypersonic’ ayada oo ka jawaabaysa xasuuqii xalay ee G^aza.
> Daljir Media
COMMENTS