Xalay saqdii dhexe diyaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa iska kaashadey duqeyn daran oo wararka Sanca ka imaanayaa ay sheegayaan in ay ku dhinteen in ka badan 25 qof oo rayid ah, dhaawacuna waa in ka badan 23. Goobaha la duqeeyey waxaa kamid ah Sanca, saada, Dhamaar, Hudeyda iyo al-Bayda.
Duqeynta Yemen oo bilaabatay xalay saqdii dhexe ayaa weli socota oo waagu ugu beryey saaka.
Afhayeen u hadlay Yemen ayaa yiri, “duqeynta Mareykanku innaba wax guul ah oo ay u keenaysaa ma jirto. Xaqiiqiyan waxa ay sii siyaadineysaa culayska iyo cadaadiska aan ku hayno [Israa’iil].”
Trump ayaa sna hanjabaadihiisii looga bartay soo qoray asaga oo leh, “Waxaan amray in la duqeeyo Xuutiyiinta si aan u furo marinka Badda Cas ee ay xirteen oo maraakiibtii mari weyday … Waxaan idiin sheegayaa waqtigiinii waa dhammaaday, joojiya waxa aad waddaan ama ogaada naar aydan waligiin arag baan idin ku baabi’inayaa.”
Trump intaas kuma harin waxa uu hanjabaad kale la dul istaagay Iran oo uu indhawaaleba asaga iyo Netanyahu ku goodinayeen in ay duqeyn doonaan goobahooda nukliyeerka, waxa uuna yiri, “Iraan adna maqal: jooji taageerada aad siiso Xuutiyiinta, hana u hanjabin dadka Mareykanka iyo Madaxweynaha ay ku doorteen cod aqlabiyad ah oo aan hore loo arag taariikhda Doorashooyinka Mareykanka.”
Yemen oo hore digniin ugu dirtay Israa’iil ayaa mar kale biloowday in ay xannibto Maraakiibta u socda dekedaha Israa’iil. Trump ayaa aad uga soo horjeestay qorshaha cusub ee Yemen, rabana in uu xannibaadii hore Biden u qaadi waayey uu hadda qaado.
Warar kala duwan oo aan la hubin ayaa ka soo baxaya duqeynta xalay illaa saaka ee Mareykanka iyo khasaaraha hoggaanka Yemen, iyo waliba duqeyn kale oo la sheegay in Yemen ku jawaabtay una gaysatay markabka diyaaradaha qaada ee USS Harry Truman oo Badda Cas ka duqeynayey Yemen.
Daljir kala soco wararkii ugu danbeeyey ee duqeynta Mareykanku la beeganayo Yemen.
> Daljir Media
COMMENTS