Maraykanka oo ka digay Faragelinta Itoobiya ay ku heyso Soomaaliya

Maraykanka oo ka digay Faragelinta Itoobiya ay ku heyso Soomaaliya

Wasiirka arrimaha Dibadda Itoobiya Atske-Selassie ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Mike Hammer waxaana Labada Mas’uul ay ka wada hadleen arrimaha nabadda iyo ammaanka Geeska Afrika.

Wasiir Arimaha Dibada Itoobiya ka hadlay walaaca Dawlada Itoobiya ay ka qabto ka bixitaanka ATMIS, iyo dadaalka ay Itoobiya sii waddo ee lagu dejinayo xiisadda gobolka Geeska Afrika .

Sidoo kale Danjiraha Marayknaka ee Geeska Afrika iyo Wasiirka Arimaha dibada Itoobiya ayaa ka wada hadlay xaalada ka taagan gobolka Tigray waxana Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya ayaa uu Muujiyay sida ay Itoobiya uga go’an tahay in si buuxda loo fuliyo heshiiskii nabada ee Pretoria wuxuu carabka ku adkeeyay innay walaac ka qabaan dhaqdhaqaaqa TPLF ay wado.

Wasiir Taye oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in dib loo soo celiyo maqaamkii ay Itoobiya ku lahayd sharciga kobaca iyo fursadaha Afrika (AGOA) Ee dawladda federaalku cuna qabataynta ka saartay Itoobiya .

Hase’ ahaatee ‘ Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika Ambassador Mike Hammer ayaa runta u sheegay Dawlada Itoobiya isaga oo yiri xasiloonida Geeska Afrika in ay ku jirto Itoobiya oo fara galinta ka daysa Soomaaliya .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com