Maraykanka oo ka hadlay duqeyn ay ka geysteen Camaara

Maraykanka oo ka hadlay duqeyn ay ka geysteen Camaara

Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa ka hadlay duqeyn ay ciidamada Maraykanka ka geysteen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Qoraal ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in ay ciidamada Maraykanka oo kaashanaya kuwa Dowlada Soomaaliya ay si wadajir ah weerar isdifaac ah uga fuliyeen Camaara gobolka Mudug.

“Isagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar is-difaac ah oo wadajir ah oo ka dhan ah dagaalyahannada al-Shabaab ee dagaalka kula jira saaxiibbadayada Soomaaliya agagaarka Cammaara, Soomaaliya, 24-kii Agoosto.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ay ka geysteen Camaara balse ay qiimeynayaan waxyeelada ay gaarsiiyeen dagalamayaasha Alshabaab balse ay og yihiin in aysan dad rayid ah wax ku noqon duqeyntan.

“Qiimaynta waxyeellada dagaalka ayaa weli la sugayaa iyadoo ay ugu wacan tahay hawlgalka socda ee u dhexeeya al-Shabaab iyo ciidamada Soomaaliya. Qiimeynta hore ee taliska ayaa ah inaysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntaan cirka ah.”

Ugu dambeyntii taliska ciidamada AFRICOM ayaa xusay in ay sii wadi doonaan la dagaalanka Alshabaab.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa weli ka go’an la-dagaallanka al-Shabaab si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Ururada xagjirka ah ee rabshadaha wata sida al-Shabaab ayaa u soo bandhiga hanjabaad muddo dheer ah danaha Mareykanka iyo kuwa gobolka.”

Duqeynta ciidamada Maraykanka ay ka geysteen deegaanka Camaara ayaa yimid kadib markii dagaalamayaasha Alshabaab ay weerar qaraxyo ku bilowday ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowlada ku lahaayeen Camaara.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com