Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah kaga tacsideysay Geerida Madaxweynihii dalka Iiraan
Dowladda Maraykanka waxay maanta oo Isniin ah Tacsi Rasmi ah u dirtay Dowladda Iiraan, kadib, Shilkii Diyaaradeed ee ay ku geeriyoodeen Madaxweynihii dalkaasi, Ibrahim Raisi iyo wafdigii la socday.
Qoraal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu muujiyey inay ka tacsideynayaan Geeridii Madaxweyne Ibrahim Raisi, Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Amiir Abdollahian iyo xubnihii kale ee ku geeriyooday Shilkii Diyaarada Helikobtarka ee ku dhacday W/Galbeed ee dalka Iiraan.
COMMENTS